Garoowe: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland, Cabdiraxmaan Khaliif Faarax, oo ay weheliyaan Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland, Saadiq Maxamed Maxamuud, iyo Mareeyaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland , Maxamed Cabdulqaadir Maxamed, ayaa si rasmi ah u furay tababarka Nidaamka Maaraynta Xogta Biyaha Puntland (WIMS).
Tababarkan ayaa lagu qabanayaa magaalada Garoowe, wuxuuna diiradda saarayaa kor u qaadista awoodda hay’adaha biyaha ee Puntland, xoojinta maaraynta xogta biyaha, iyo taageeridda go’aan-qaadasho ku dhisan xog sax ah oo la isku halayn karo. Sidoo kale, tababarku wuxuu qayb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo maamul-wanaagga, hufnaanta, iyo tayeynta adeegyada waaxda biyaha.
Nidaamka Maaraynta Xogta Biyaha Puntland (WIMS) waxaa si wadajir ah u hirgeliyey Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland, Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland (PWDA), iyo Hay’adda UNICEF, iyadoo ujeeddadu tahay in la helo nidaam casri ah oo lagu kaydiyo, lagu maareeyo laguna falanqeeyo xogta ilaha biyaha ee Puntland.
Tababarka waxaa ka qaybgalaya saraakiil iyo farsamayaqaanno ka kala socda Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland, Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland (PWDA), Isku-duwayaasha Gobollada ee Wakaaladda, wakiillo ka socda PPP-da, saraakiil ka socota Hay’adda UNICEF, iyo khubaro la-talin (Consultants) oo ka socda AKVO, kuwaas oo bixinaya tababarka farsamo ee la xiriira nidaamka WIMS iyo horumarintiisa.
Tababarkan ayaa la filayaa inuu xoojiyo awoodda isticmaalayaasha nidaamka, korna u qaado tayada xogta biyaha ee Puntland, si loo helo qorsheyn iyo go'aan-qaadasho ku saleysan xog sugan oo la isku halayn karo.
= DHAMMAAD =
XAFIISKA WARFAAFINTA
WASAARADDA TAMARTA, MACDANTA IYO BIYAHA PUNTLAND