DAAH-FURKA NIDAAMKA MAARAYNTA XOGTA BIYAHA PUNTLAND (WIMS)

📅 June 25, 2026 Updated Jun 25, 2026
DAAH-FURKA NIDAAMKA MAARAYNTA XOGTA BIYAHA PUNTLAND (WIMS)
Garoowe, 24 June 2026 – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland mudane abdirahman khalif ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Nidaamka Maaraynta Xogta Biyaha Puntland (WIMS), oo ah nidaam casri ah oo loogu talagalay ururinta, kaydinta, falanqaynta iyo wadaagista xogta biyaha, si loo xoojiyo qorshaynta iyo go’aan-qaadashada ku salaysan xog sax ah oo la isku halayn karo.
Munaasabadda ayaa lagu soo gabagabeeyay khudbad uu jeediyay Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland, Liibaan Muuse Boqor, oo si rasmi ah u xiray munaasabadda, isaga oo adkeeyay muhiimadda nidaamka WIMS uu u leeyahay horumarinta maamulka iyo maaraynta xogta biyaha ee Puntland.
Sidoo kale, munaasabadda waxaa lagu gudoonsiiyay shahaadooyin dhammaan ka qaybgalayaashii dhammaystay tababarkii afarta maalmood socday ee ku saabsanaa adeegsiga iyo maamulka Nidaamka Maaraynta Xogta Biyaha Puntland (WIMS).
Daah-furka waxaa ka soo qaybgalay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Caafimaadka, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka, Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland, Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland, Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Korontada Puntland, Isku-duwayaasha Gobollada, farsamayaqaanno ka kala socday hay’adaha dowladda, wakiillo ka socday PPP-da iyo khubaro la-talin ka socday AKVO.
Mas’uuliyiintii munaasabadda ka hadlay ayaa bogaadiyay hirgelinta nidaamka WIMS, iyagoo tilmaamay in uu door muhiim ah ka qaadan doono helitaanka xog biyo oo sax ah, kor u qaadista isla xisaabtanka, iyo taageeridda go’aan-qaadasho wax ku ool ah oo lagu horumarinayo adeegyada biyaha ee Puntland.
= DHAMMAAD =
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland
UNICEF Logo
PWDA Logo
MOEMW Logo